QOLKA MAHMAHYADA


MAAHMAAHDU WAA MURTI, BEENTU AY KA MARAN TAHAY, MOOGANAHAAN OGEYNE
Maamaahyada oo an u diyaarinay sida farta somaliga u kala horeyso sida  .. B,T,J,X,KH,D,R,S,SH  iyo waxii la mida

Xarafka B:
Bidaari sibiq bey kugu gashaa
.Barasho horteed ha i nicin
. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
. Baruur quruntay ayaa baruuro qurmisa.
. Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa.
. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
. Baso waa baso si kastoo loo subko.
. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka T:
Tabcadaa ma tuuggo
. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola
. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa
. Tol la’aani waa tows.
. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo
. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado.
. Tuug la qabtay talo ma laha.
. Tuug tuug ma xado.

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka J:

Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan”
jidh qalaad waa dhul qalaad.
jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis.\
Jinni, Ninkii keenaa bixiya
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka X:
. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
. Xargo geel ma wada xidhaan.
. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
. Xarrago dumar xanuun ma leh
. Xiiso iyo xoorba way gudhaan.
. Xog mooge xaajo waa dilaa.
. Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇
 Xarafka Kh:



🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇




Xarafka D:
Durduro geel baa ku jaba
Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso.
. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
. Dukhsi dantiisuu  (qudhunka) ugu jiraa.
. Dukhsi dantiisuu wasaqda ugu jiraa.
. Dukulush timir gaari waayay Kharaaraa tuf yiri?
. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
. Durduro geel baa ku jaba.
. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


Xarafka R:
. Raad arrooryo dib looma raaco.
. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan.
 Rag jidiin baa walaaleeya.
. Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
. Rag qawl baa xidha dumarna meher.
. Rag waa talo keen iyo talo raac.
. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
. Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
Rag waa talo keen ama talo raac
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka S:
socod aanan loo dhalan lix saamood ma dhaafo
Soomaali been waa sheegtaa, Beense ma maahmaahdo

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka SH:


🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka DH:
Dhakac-Dhakac Hore, Dhabana Heys Danbe Ayay Ledahay
Dharigii Fara Bataa Waa Fuud Xaraareeyaa

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

 Xarafka C:

Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
. Carab lo'aad caws looma tilmaamo.
 Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
. Carrab dalab leh waa la gartaa, Ee uur dadbanse lama garto.
. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
. Carruurta bulaca cayaar  bay u dishaa, isagana waa u dil. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu dhigo
. Caruuri waa ciil laga waynaado.,
. Casaan qurux kama tagana (kama marna)
. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo,
. Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
 Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
 Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa (fuula, ama booda)
.
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇
Xarafka G:
B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y

Xarafka F:

Far keligeed Fool ma dhaqdo.
. Fardo fagaaro jooga la isuguma faano
. Fardo laysu hayo maxaa laysugu faana.
. Farihii dufan leh ayaa wax duuga.
. Faro ka ciyaar futo ka ciyaar ayaa ka roon.
. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? waa faduul!
. Fulay hooyadii ma goblanto.
. Fulay wax ka wadne weyn.
. Fulay kaa ulo badan.
. Fullayoow guuli kuu dhawaydaa.
. Futo iyo dhul isma huraan.

🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆🎆

Xarafka Q: 



🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇



Xarafka  K:
Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
Kab xume ma hadho ee kab laawaa hadha.
Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
karis xun iyana ku wax la’
Kibir waa lagu kufaa, laguna kala jabaa
Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro.
kolka weylaha la helo ayaa lo'dana la maalaa
kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


Xarafka  L:
. La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
. laabtu low ma aha hadba la laalaabi karo
. Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, tuugmo iyo ad-adayg.
. Laba qaawan isma qaaddo
. laba tallaabo dhexdood baa talo ka dhalataa.
. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
. labadii qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido.
. labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan.
. labo bukta ma is baaniyaan.
. labo qaawani isma qaado.
. lacagina lacag bay dhashaa injirina qindhicil.
. Laf jabtay sideedii ma noqoto.
. lafo geri iyagaa laysku jebshaa.
. lama gano falaadh kugu soo noqon doonta.
. lama huraan waa caws jiilaal.
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka M:
Maahmaahdu waa murti, beentu ay ka maran tahay


🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

 Xarafka :N
Nin kaa weyn hortaa buu xanaqaa
Nin waalan walaalkiis ayaa u miirqabo
Nin habaarani ma harsadoo
Nacaska usha agtiisa ku dhufo, haduu fahmi waayana
 dusha uga dhufo
Naar meel qaboow ma leh
Nin aanan aarsan uurka habartiis uu jiifaa
      
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


Xarafka  W:
Waano abuuris baa ka horeysay
Waranloow warkaa waa kaa soo horeeyay
. Waari mayside war hakaa hadho.
. Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
. Waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
. Waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa.
. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
. Wadar iyo waaxid yaa waalan
. Wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa.
Wax kaa tegay tiigsimaad maleh.
. Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
. Walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi.
. Walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan.
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka H:
Hadal waxuu amaan yahay intaadan oran
Hashu uurkeyga gadaye ma misaar bey liqday
Hal maqaar diidee meelo dulduleelo ayey ka daydaa
Hadal aan laga fiirsan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feeraha ayay wax yeelaan
Hubsiimo hal geela baa la siistaa
Hadal yar iyo howl badan
Hadii la yaabo yaasiinka


🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


 Xarafka :Y

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


MAAHMAAHYADDA KA BILOWDA SHAQALKA SIDA
A, E, I, O, U

Xarafka A:
Amaano cir diid dhulna diid
Allaah uunkiisa ka adag, hooyana gabadheeda ka adag
Af aamusani dahab dheh
Amaano kugu raagtay lihi bey noqotaa

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

 Xarafka :E

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇

Xarafka I:
Int aadan fali ka fiirso
Inan iyo abeeso afkoodey u dhintaan
🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


 Xarafka :O

🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


 Xarafka U:


🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇


Inta Dhiman Waan Soo Wadnaa Insha Alaah Ee Hamoogaanina
Mahadsanidiin

Comments

Popular posts from this blog