QOLKA MAHMAHYADA
MAAHMAAHDU WAA MURTI, BEENTU AY KA MARAN TAHAY, MOOGANAHAAN OGEYNE Maamaahyada oo an u diyaarinay sida farta somaliga u kala horeyso sida .. B,T,J,X,KH,D,R,S,SH iyo waxii la mida Xarafka B: Bidaari sibiq bey kugu gashaa .Barasho horteed ha i nicin . Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto. . Bartii yaqaan, bari uma korodho. . Baruur quruntay ayaa baruuro qurmisa. . Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa. . Baryo iyo is daluuc layskuma daro. . Baso waa baso si kastoo loo subko. . Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan. 🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇🎇 Xarafka T: Tabcadaa ma tuuggo . Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola . Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa . Tol la’aani waa tows. . Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa. . Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo . Tolkaa maw talisay, mase tuugtay. . Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado. . Tuug la qabtay talo ma laha. . Tuug tuug ma xado. 🎇🎇🎇...