Barashada Python Lesson 1
Barashada Python: Luqadda ugu Fudud ee Dunida Programming-ka (Casharka 1aad)
Ma rabaa inaad barato sida loo dhiso barnaamijyada kombuyuutarka ama aaladaha mobile-ka? Haddaba, Python waa saaxiibkaaga koowaad. Python waa luqad barnaamij (Programming Language) oo caan ku ah fududaan iyo awood weyn.
Waa maxay Python?
Python waa luqad heer sare ah (High-level language) oo uu ikhtiraacay Guido van Rossum sanadkii 1991. Waxaa loogu talagalay inuu qof kasta u akhrin karo sidii isagoo akhrinaya luqadda English-ka oo kale.
Maxaad u baranaysaa Python?
Fududaan: Ma lahan xeerarka adag ee luqadaha kale sida C++ ama Java.
Baaxad Weyn: Waxaa loo isticmaalaa samaynta Website-yada, AI (Aaladaha caqliga leh), iyo Cybersecurity.
Shaqooyin Badan: Shirkadaha ugu waaweyn dunida sida Google, Netflix, iyo NASA waxay isticmaalaan Python.
Sidee ku bilaabi kartaa?
Haddii aad leedahay Computer ama xataa Taleefan (adoo isticmaalaya Pydroid 3 ama Termux), waxaad hadda bilaabi kartaa inaad qorto "Code"-kaagii ugu horreeyay.
Tijaabi koodhkan:
print("Ku soo dhawaada Filanwaa")

Comments
Post a Comment
اللهم احســـن عاقبتنــــا في الامور كلهــــــا ..... اءمـــين