Baro Python: Luqadda ugu habboon ee lagu bilaabo Programming-ka
Baro Python: Luqadda ugu habboon ee lagu bilaabo Programming-ka Ma rabtaa inaad barato sida loo dhiso ablikeshinnada (Apps), website-yada, ama aad ka shaqayso Cybersecurity?
Haddaba, Python waa saaxiibkaaga koowaad!
Waa maxay Python?
Python waa luqad programming ah oo aad u fudud in la barto. Waxaa loo qoraa ku dhawaad sida luqadda Ingiriisiga oo kale. Taas ayaa ka dhigtay inay noqoto luqadda ugu caansan adduunka sanadka 2026.
Maxaa Python looga jecelyahay adduunka?
Fudayd: Uma baahnid inaad barato koodhadh adag si aad wax u bilowdo.
Cybersecurity: Khubarada amniga internetka waxay u isticmaalaan Python inay ku dhisaan aaladaha lagu difaaco mareegaha.
Mobile Apps: Adigoo isticmaalaya maktabadaha (libraries) sida Flet ama Kivy,
waxaad ku dhisid kartaa Apps u shaqeeya Android iyo iOS.
Koodhkii ugu horreeyay ee Python (Hello World)
Si aad u tijaabiso Python, koodhkan yar raac:
print("Ku soo dhawaada Filanwaa.com")
print("Maanta waxaan bilaabay barashada Python!")
Sidee ku bilaabi kartaa?
Haddii aad joogto Soomaaliya ama Kenya, waxaad Python ku baran kartaa xitaa adigoo isticmaalaya taleefankaaga gacanta. Waxaad isticmaali kartaa Apps-ka:
Pydroid 3 (Android)
Termux (Mobile Terminal)
Ma ka heshay casharkan? Haddii aad rabto casharo dheeraad ah oo ku saabsan Python iyo Cybersecurity, nala soco mar walba.
Comments
Post a Comment
اللهم احســـن عاقبتنــــا في الامور كلهــــــا ..... اءمـــين