QOLKA MURTIDA
Murti
( Xikmad)
Waxaa La Yiri
Rag Sedex Ayaa U Xun
Ma Toshe,
Ma Tashade Iyo
Ma Tashiishe
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Rag saddex ka oggoow:
Gacan gudhan,
gar weecsan,
iyo guddoon jilicsan.
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex Ilaah Waa Awoodaa, Mase Dhacdo:
Rag saddex ka oggoow:
Gacan gudhan,
gar weecsan,
iyo guddoon jilicsan.
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex Ilaah Waa Awoodaa, Mase Dhacdo:
Ilaahow Guursan Maayee Awlaad I Sii;
Ilaahow Shaqaysan Maayee Xoolo I Sii; Iyo
Ilaahow Ku Caabudi Maayee Jannadaada I Geli.
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex
Lama Arag:
Marti Nin Ka Yar,
Muddo Maalin Ka Yar,
Salaad Hal Ragco Ka Yar,
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex
Lama Raaco:
Ma Horreeye,
Ma Hambeeye, Iyo
Ma Haasawshe.
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Waxaa La Yiri
Rag sadex lama raaco,
ma fakere,
ma faaidayste,
ma foorarsade
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex
Looma Adkeysto:
Gaajo Guri Og,
Gardarro Garab Og, Iyo
Cudur Geeri Og,
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex
Markaan Bartaan Ka Gaboobay:
Dab Ollolintiis,
Carruur Aamusinteed, Iyo
Awr Carraabintiis.
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex
Wer-Werkay Kugu Kordhiyaan:
Gaadiid Xun,
Naag Xun, Iyo
Guri Xun;
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex Col Ayaa
Jira,
Col Cad , Col Cas, Col Madaw,
(Colka Cad Waa
Biyaha,)
(Colka Casna Waa Dabka)
(Colka Madawna Waa Dadka)
Waxaa La Yiri
Waxaa La Yiri
Rag waxa ugu faan badan
mar dhoof iyo
mar duul.
Rag waxa ugu liita
Rag waxa ugu liita
ciil kama baxe iyo
calooshiisa la ciyaare
bihar tourism Mahabodhi Vihar or Mahabodhi Tree is a famous Buddhist vihara located in Land of Gautam Buddha Bodh Gaya. Listed in World Heritage by UNESCO.
ReplyDelete