QOLKA MURTIDA



Murti ( Xikmad)

Waxaa La Yiri
Rag Sedex Ayaa U Xun
Ma Toshe,
Ma Tashade Iyo
Ma Tashiishe

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri

Rag saddex ka oggoow: 
Gacan gudhan, 
gar weecsan, 
iyo guddoon jilicsan.
 

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
   Saddex Ilaah Waa Awoodaa, Mase Dhacdo:
Ilaahow Guursan Maayee Awlaad I Sii;
Ilaahow Shaqaysan Maayee Xoolo I Sii; Iyo
Ilaahow Ku Caabudi Maayee Jannadaada I Geli.

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
Saddex Lama Arag:
Marti Nin Ka Yar,
Muddo Maalin Ka Yar,
Salaad Hal Ragco Ka Yar,

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
Saddex Lama Raaco:
Ma Horreeye,
Ma Hambeeye, Iyo
Ma Haasawshe.

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Rag sadex lama raaco,
 ma fakere,
ma faaidayste,
ma foorarsade
◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊
Waxaa La Yiri
Saddex Looma Adkeysto:
Gaajo Guri Og,
Gardarro Garab Og, Iyo
Cudur Geeri Og,

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
Saddex Markaan Bartaan Ka Gaboobay:
Dab Ollolintiis,
Carruur Aamusinteed, Iyo
Awr Carraabintiis.

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
Saddex Wer-Werkay Kugu Kordhiyaan:
Gaadiid Xun,
Naag Xun, Iyo
Guri Xun;

◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊◊

Waxaa La Yiri
Saddex Col Ayaa Jira,
Col Cad , Col Cas,  Col Madaw,
     
 (Colka Cad  Waa          Biyaha,)
 (Colka Casna      Waa      Dabka)
(Colka Madawna Waa Dadka)

Waxaa La Yiri
 


Rag waxa ugu faan badan
 mar dhoof iyo
 mar duul.
  Rag waxa ugu liita
 ciil kama baxe iyo
 calooshiisa la ciyaare


 


Comments

  1. bihar tourism Mahabodhi Vihar or Mahabodhi Tree is a famous Buddhist vihara located in Land of Gautam Buddha Bodh Gaya. Listed in World Heritage by UNESCO.

    ReplyDelete

Post a Comment

اللهم احســـن عاقبتنــــا في الامور كلهــــــا ..... اءمـــين

Popular posts from this blog

QOLKA MAHMAHYADA