Casharka 3-aad: Variables (Kaydiyeyaasha)
Casharka 3-aad: Variables (Kaydiyeyaasha)
Variables waa sida sanduuq yar oo kale oo aad xog ku ridanayso si aad hadhow u isticmaasho. Tusaale ahaan, haddii aad rabto in website-kaagu uu xasuusto magaca qofka soo gala, waa inaad isticmaashaa Variable.
1. Sida loo abuuro Variable
Python dhexdeeda, waxaad si fudud u qortaa magaca sanduuqa, ka dibna calaamadda = ayaad saartaa, markaas ayaad xogta dhex dhigtaa.
2. Noocyada Xogta (Data Types)
Python waa ay garanaysaa nooca xogta aad sanduuqa ku ridday. Saddexda ugu muhiimsan waa:
String (Qoraal): Mar walba waxaad dhex dhigtaa calaamadda " ". (Tusaale: "Baariyoow")
Integer (Nambar): Waa nambarka caadiga ah, calaamad looma baahna. (Tusaale: 50)
Float (Nambar dhibic leh): (Tusaale: 10.5)
3. Isku-darka Variable iyo Qoraal
Waxa ugu quruxda badan waa inaad Variable-ka dhex geliso qoraal kale.
